27th July 2024  admin  Category :

Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland, kadib markii uu ku guuleystay 45 cod wareeggii saddexaad ee doorashad madaxweynaha, halka uu 21 cod helay Guuleed Saalax Barre oo kula tartamay wareegga saddexaad.

Deni ayaa loollankan ku wajahay siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay heer fedeeraal iyo heer maamul goboleed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirradii hore ee arrimaha dibadda Axmed Cawad iyo Abshir Jaamac Haruuse iyo guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntand Guuleed Saalax Barre.


Puntland ayaa markii hore qorsheyneysay doorasho qof iyo cod ah, balse khilaafaad siyaasadeed kadib ayaa dib loogu laabanayo habkii soo jireenka ahaa ee ku salaysnaa codbixinta Baarlamaanka ee ka 66-ka xildhibaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*