21st May 2024  admin  Category :

Maxaan ka naqaanaa garsooraha Afrikanka ah ee ka codeysay Falastiin kiiskii Maxkamada ICJ

Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ayaa ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa ka dib kiiskii ay maxkamadda u gudbisay dalka Koonfur Afrika ee ka dhan ahaa Israa’iil.

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka.

Israa’iil ayaa ka caroortay go’aanka maxkamada iyadoo Koonfur Afrika oo ah dalka gudbiyey dacwada ay ugu baaqeen Israa’iil inay ixtiraamto go,aanka.

Hase yeeshee go,aanka ka dib waxaa dad badani wali hadal hayaan Julia Sebutinde, oo u dhalatay Uganda, ahna garsooraha kaliya ee ka tirsan17-ka garyaqaan ee maxkamadda caalamiga ah ee adduunka ee sida adag u difaacday Israa’iil.

Qaar kamid ah dad isticmaaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa taageera Falastiin ayaa dhaleecayn xoog leh u jeediyey Julia, iyaga ku eedeyay sida ay u dhaqantay.

Safiirka Ugandha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twiter wuxuu ku sheegay in go’aanka garsooraha reer Uganda uusan matalin mowqifka dowlada Uganda ee ku saabsan xaalada Falastiin.

“Taageerada Ugandha ee dhibaatada dadka reer Falastiin waxaa lagu muujiyay qaabka codbixinta Uganda ee Qaramada Midoobay.”ayuu intaas raaciyey.

maxkamada ICJ
Qoraalka sawirka,Maxkamadda Cadaalada Caalamigaa

Waa tuma garyaqaanad Julia Sebutinde?

Garsoore Julia Sebutinde waxay ku dhalatay magaalada Kampala ee dalka Ugandha sanadkii 1954-tii, waa 69 sano jir aqoon u leh sharciga.

Jaamacado ku yaal Ugandha iyo Scotland ayey ku diyaarisey qaynuunka iyadoo jaamacada Edinburgh ay dadaalkeeda cadaalada awgiis ku abaalmarisay darajo sharafeedka ‘Doctor’.

Julia Sebutinde waxay markii ugu horreysay ka soo shaqeysay Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Uganda sanadihii 1978 ilaa 1990.

Markii ay ka qalin jabisay Jaamacadda Edinburgh 1991 kii, waxay ka shaqeysay Wasaaradda Barwaaqo-sooranka ee Boqortooyada Ingiriiska. Ka dib waxay ku biirtay Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Namibia,

Sannadkii 1996-kii, waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare ee Uganda. Waxaa lagu xasuustaa inay madax ka nooqtay saddex guddi oo loo xilsaaray baaritaano lagu sameeyey waaxyaha dowlada, sida musuqmaasuq lagu eedeyey booliska Ugandha, Ciidamada iyo haya’adaha canshuuraha ee dalkaas

Sanadkii 2005-tii Jullia waxaa loo magacaabay garsoore maxkamaddii gaarka ahayd ee Sierra Leone oo ay samaysay Qaramada midoobay, ka dibna waxaa loo magacabay guddoomiyaha Maxkamadda Qolka II. Maxkamaddas oo masuul ka ahayd dhageysiga dacwadda ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Liberia, Charles Taylor.

Doorashadii garsooyasha Maxkamada ICJ sandkii 2011-kii, Jullia Sebutinde, waxay ka mid ahayd siddeed musharax oo u taagan shan kursi oo garsoore oo ka bannaanaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wadamada Croatia, Danmark, iyo Uganda iyo Maxkamadda Joogtada ah ee Xalinta Khilaafaadka.

Doorashadaas jullia waxay heshay 97 cod oo ka mid ahaa 193-dii cod ee Qaramada Midoobay, iyadoo markii danbana heshay aqlabiyad buuxda ee golaha ammaanka iyo golaha loo dhan yahay, sidaas ayaana loogu dhawaaqay guusheeda.

Garsoore Sebutinde ayaa markii ugu horreysay loo doortay xubin ka tirsan maxkamadda ICJ sannadkii 2012-kii, iaydoo markeedii labaad loo doortay sanadkii 2021-kii. Ilaa iyo hadda ayay wali garsoore ka tahay maxkamadda.

Xamaas

Falcelinta go’aanka

Israa’iil ayaa si adag uga carootay go’aanka maxkamada ICJ iyadoo Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay inay Israa’iil ay ka hortagtay fal argagixiso oo dalkoodu lagu qaaday 7-dii Oktoobar ee sandkii hore kaas oo ay Xamaas ku qaadday Israa’iil.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda ICJ ay tahay in ay ixtiraamaan dhammaan wadamada aqoonsan maxkamadda oo ay ku jirto Israa’iil.

Isagoo hadlayay kadib go’aankii maxkamadda ee codsiga uu dalkiisa keenay, Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Afrika ay ka rajaynayso Israa’iil, “oo ah mid dimoqraadiyad isku sheegta, iyo dawlad ixtiraamaysa sharciga,” inay u hoggaansamaan xukunka.

Midowga Yurub ayaa baahiyay falcelintii ugu horreysay ee go’aanka ICJ ee ahaa in Israa’iil ay qaado dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo falalka xasuuqa ee Qasa.

“Amarrada Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa mid waajib ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub, waxaana la raaciyey in dhamaan dhinacyada ay u hogaansamaan amarka maxkamada.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in go’aanka ku meel gaadhka ah ee ICJ uu waafaqsan yahay aragtida Washington ee ah “Israa’iil waxay xaq u leedahay inay qaado tillaabo lagu xaqiijinayo in weerarradii argagixisanimo ee dhacay 7-dii October aysan u soo laaban, si waafaqsan sharciga caalamiga ah”.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maraykanku uu aqoonsan yahay in maxkamadda ICJ ay door muhiim ah ka ciyaarto xallinta khilaafaadka.

Xamaas ayaa dhankeeda soo dhaweysay go’aanka maxkamadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*