26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiyada joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajandihiisu ahaa ka tashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka  ayaa ugu horrayn waxaa warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen muhiimaddiisa iyo inay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiyada joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu dambayn isla qaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*