29th March 2024  admin  Category :

Doorashadan golayaasha degaanka degmooyinka Puntland marka natiijadooda la helo waxaa soo baxaya sadex Xisbi waxaana ay soo baxayaan ka hor kalfadhiga barlamanka.

Hadii sadex xisbi la helo waxaa lagu qasban yahay in la raaco nidaamka cusub ee loo guuray kaas oo ah nidaamka axsaabta badan waxaana qasab noqonaysa in la kala diro Barlamaanka lana muddeeyo waqti kooban oo markale codbixiyayaashu kusoo doortaan golihii wakiilada Puntland oo intiisi ka kooban waxna aan lagu darin waxna aan laga dhimin gobolada aanay ka dhici karin doorashadana loo raro codkooda gobolada ugu dhaw.

Ka dib doorashada golaha wakiilada waxaa la aadayaa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo isku hal ah intaasina waaku qabsoomi kartaa mudada dhiman hadii ay u badatona waxaa raaci kara wax sanad ka yar oo shaqadu socoto ee aan ahayn kororsi xiliyeed kursiga lagu sii joogo.

Qore Sharmaarke Cabdurashiid Axmed (Jaanle)

WABILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*