
17th July 2026 admin Category :
Maamulkii Waqooyi Bari ma adeega ayuu u noqday Madaxweyne Culusoow.
Sanadkii hore markii khasabka iyo xoogga lagu samaynayey maamulka Waqooyi Bari, waxa jiray siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Daarood oo awood wasaaradeed sheeganayey sida arimaha gudaha, amniga, Booliiska iyo Xildhibaano aqalka sare ka tirsanaa. Siyaasiyiintan aya habeen maalin waxay u taagnaayeen sidiii maamulka uu doonayo Madaxweyne Culusoow ay uaga hirgelin lahaayeen gobolada Sanaag iyo Sool.
Siyaasiyiintii noocaas ahaa ayaa hadda xaaladda Muqdisho ka taagan aan ka hadlin shaqona ku lahayn.
Tusaale haddan u soo qaadano shaqadda doorashooyinku waxay hoos tagaan wasaaradda arimaha gudaha oo uu Cali Xoosh wasiirka aka yahay , hase ahaatee hadda waxa haya shaqadiisii wasiirka oo ka soo jeeda beesha Majeerteen gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Gudoomiye u ah Magaalada Muqdisho. oo qura
Taliyihii Booliiska Soomaaliya oo ka soo jeeda beesha Majeerteen iyo wasiirkii amniga oo isaguna ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaan iyaguna shaqo ku lahayn dagaalka ka socda Muqdisho, dadka ku dhintay Muqdisho, kuwa nool,amnigooda , hubka layska qabsaday ee la soo bandhigay, beeninta hubkaas la beeniyey. Shaqadoodii waxa haya Cali Mahdi oo ah taliyaha Booliiska gobolka Banaadir oo ah magaalada Muqdisho qura.
Xildhibaan Tima cade iyo Saynab Tiinbiye, oo ah xildhibaano aqalka sare ee ka soo jeeda Dhulbahante iyo Warsangeli lagana soo doorto Sanaag iyo Sool , waxay aaminsan yihiin inay dib ugu soo laabnayaan aqalka sare iyaga oo ka socda maamul la yiraahdo Waqqoyi Bari, dalka uu madaxweyne ka yahay Culusoow.
Ugu danbayntii siyaasiyiintan aan kor ku soo xusnay ma ahayn kuwo leh tayo siyaasadeed , mana ahayn dad waxqabad looga bartay kalsoonina ka haysta dalkooda ee sababta qura ee loo magcaabay Cali Xoosh, Fartaan iyo Ina Diyaano waa in si khaldan oo qof damiir iyo iimaan lihi aanu ogolaadeen loo istcmaalo ama loo adeegsadaa . Waxaana lagu tijaabiyey Jubbaland iyo Waqooyi Bari, halkaasna dagaalo ayeey ka rideen dad ku dhinteen..Kooxdan liidata ee waqtii Waqooyi Bari lahayd magac wasaaradeed ayaan ku shaqaynaa maanta sidii dad bahdilan ayeey Muqdisho joogaan, cidna wax ma awaydiiso sida Raisul wasaarihii Xamze ee hore loogu bahdilay Muqdisho, isaga oo howl gab laga dhigay
https://web.archive.org/web/20141214135002/https://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/4881-xullida-ra-iisal-wasaaraha-iyo-meesha-ay-mareeyso








