
14th July 2026 admin Category :
Madaxweynaha Puntland, ma xorayntii Sool ayuu ku waayey fursaddii ahayd hogaanka sare ee Soomaaliya
Maanta sida xaaladda Soomaaliya tahay ma jiro dal la yiraahdo Soomaaliya ee waxa jira Qabiil Hawiye la yiraahdo oo sida muuqata iyagu isku baacsanaya hogaanka sare ee Soomaaliya, Siyaasiyiintan tartamaysa ayaa dadka kala raacsani ay yihiin isla beeshaas Hawiye . Halka kuwa had iyo jeer dhex dhexaadinaya sida Gudoomiyaha maxkamadda sare iyo Taliyaha NISA, ay iyaguna isla beeshaas ka soo wada jeedaan.
Waxa jira oo kale Turkiga oo Soomaali inteeda kale aan aqoonsanayn, dana aan ka alahayn inuu isaguna qayb ka yahay tar tanka u dhaxeeya beesha Hawiye. Intaas oo dhan waxa fududeeyey Caasimaddii Soomaaliya oo laga dhiganayo dhufays iyo meel ay ku adkaatay Soomaalida inteeda kale inay si xor ah ugu noolaadaan ama siyaasad ahaan ugu tartamaan.
Inta badan arimahani horay waa u soo dhici jireen, hase ahaatee marn a gaari halkaay maanta joogaan , ee waxa laga yaabaa inay ugu dhowayd doorashaddii Carta ee labda nin ilmo adeerta ah Cabdi qaasim iyo Cadow la kala dooranayey iyo shirkii Qaahira ee Cali Mahdi iyo Ina Caydiid la yidhi haysu noqdeen madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen , kuwaas ayaa ugu danbeeyey in hal Beel loo arko Soomaaliya
Hadana maxaa dhacay maanta oo loo waayey Siyaasi Daarood.
Madaxaweynaha hadda xilka haya Xasan Culusoow, wuxuu ku guulaystay hal arin oo ah inuu sameeyo maamul been ah oo la yiraahdo Waqooyi Bari, si uu ukala qaybiyo beelihii wada dhistay Puntland. wuxuu u samaystay siyaasiin ka shaqeeya khilaafka beelihii wada samaystay Puntland. Khilaafkan oo la maal geliyey lana buun buuniyey ayaa keenay in lays naco, oo qaar ka mid ah beelihii halkaas deganaa qaarkood ay u sacab tumaan Ururo xag jir ah. sida Hawiye Action Group iyo Damul jadiid.
Samaynta maamulka Waqooyi Bari, waxa ka horeeyey xorayntii gobolka Sool oo madaxweynaha Puntland ee hadda xilka haya uu qayb libaax ka qaatay, taas oo dad badani ay ku amaaneen.
Maamulka Waqooyi Bari oo horay god u geliyey midnimaddii beelihii Puntlan ee walaalaha ah . ayaa sida muuqatana dhaafin doona furasaddii uu Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ku heli lahaa hogaanka sare ee Soomaaliya . In badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Khaatumo oo Timo cade hogaaminayo ayaa jecel inay arkaan Soomaaliya oo Xasan Culusoow iyo Dahir Aweys ay madaxweyne ka yihiin intay arki lahaayeen Cabdulaahi Siciid Deni oo madaxweyne ah.
Ugu danbayntii, siyaasiga ugu fursada fiicnaa hogaanka Soomaaliya, waxna ka bedeli lahaa dalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha Daarood wuxuu ahaa Siciid Deni, maanta fursadaas ma haysto oo waxa uga dhow mid ka soo jeeda Hargaysa iyo Muqdisho. sababtuna waa xorayntii gobolka Sool uu hormuudka ka ahaa si looga xoreeyo maamulka dhiigya cabka ahaa eeSNM, oo waqtigaas Muqdisho iyo Hargaysa labadaba laga diidanaa xoraynteeda
ALLSANAAG.COM







