26th July 2024  admin  Category :

Maxaa ku dhiirrigaliyey ninkan Maraykanka ah ee la qabtay inuu u soo safro ku biiritaanka Al Shabaab

Nin reer New Jersey ah oo uu dhiiri galiyay falkii Xamaas ee 7dii Oktoobar ayey wararku sheegayaan inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Al Shabaab “si uu u waxyeeleeyo Maraykanka”, maxkamad federaal ah oo ku taal New York ayaa sidaa sheegtay.

Karrem Nasr oo ah muwaadin Mareykan ah, kana yimid Lawrenceville, New Jersey, ayaa ka soo safray Masar, isagoo ku sii jeeday Kenya, wuxuuna doonayey, sida la sheegay inuu ku biiro oo uu tababar la qaato Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay degmada Koonfurta Mareykanka ee New York.

Nasr, oo 23 jir ah, ayaa lagu xiray Nairobi 14-kii Diseembar, waxaana Khamiistii loo dhoofiyay Mareykanka, waxaana sida bayaanku sheegay lagu wadaa in halkaa lagu maxkamadeeyo.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in “uu isku dayay in uu taageero agab ah u fidiyo urur argagixiso oo ajnabi ah”, kaas oo ugu badnaan lagu xukumo 20 sano oo xarig ah. Eedaysanaha “wuxuu naftiisa u huray in uu jihaad dagaal ku qaado Maraykanka iyo xulafadiisa” si “uu u fuliyo hawshiisa jihaadiga ah ee dhimashada iyo burburinta,” Xeer Ilaaliyaha Maraykanka Damian Williams ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Williams wuxuu ku eedeeyey Nasr inu doonayey in “isagoo jihaad taageeraya la dilo”.

Damian Williams

Waxa uu sheegay in ay dhiirri galiyeen weeraradii Xamaas ee koonfurta Israa’iil, kuwaasoo ay ku dhinteen 1200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah. Ku dhawaad 240 qof ayaa sidoo kale lagu qafaashay weerarka.

“Dhacdooyinkii Oktoobar 7-deedii ka dib, waxaan dareemay in wax is beddeleen. Waxaan dareemay in sharafkii iyo karaamadii ay dib ugu soo laabteen Muslimiinta,” ayuu u sheegay ilo sir ah oo ka tirsan FBI-da, sida laga soo xigtay dambi oogista.

Waxa uu sheegay in uu ku fikirayay ku biirida Al Shabaab muddo dheer balse uusan awoodin ilaa 7-dii Oktoobar, isagoo weerarkana ugu yeeray “Daadka Aqsa” wuxuuna ula jeeday hal hayska Xamaas ay weerarka ula baxeen oo ahaa “hawlgalka daadka Al Aqsa”.

Masjidka Al-Aqsa, oo ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, ayaa ku yaalla dusha macbadka Temple mount ee Quddus oo ah goobta ugu barakeysan Israa’iiliyiinta. Goobahaas ayaa ah xuddunta khilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

“Markii uu howlgalku billowday, Daadka Aqsa, waxaan dareemay inay dunida wax iska beddeleen,” ayuu Nasr u sheegay isha F.B.I-da, isagoo iska dhigayey inuu fududeeye u yahay kooxda. “Waxaan arkay muuqaalkii duqeynta ahaa ay Israa’iiliyiinta ku garaaceen isbitaalka al-Ahli ee Gaza. Waan ogahay inay bamkan ka keeneen Ameerika”.

Al Shabaab

Waa kuma Karrem Nasr

Nasr waxa uu ku dhashay dalka Maraykanka isaga oo ka soo jeeda qoys Masaari ah, wuxuuna u guuray Masar bishii Luulyo si uu u barto luuqadda Carabiga. Waxa uu la xidhiidhay isha FBI-da isaga oo isticmaalaya app farriimo sir ah la isugu diro 14-kii Noofambar, isaga oo muujiyay rabitaankiisa ah in uu ku biiro Al-Shabaab si uu u helo tababar ciidan.

Nasr ayaa isagoo isticmaalaya magac aan kiisa ahayn wuxuu soo dhigay baraha bulshada wixii ka dambeeyay 7-dii October in Jihaadku “uu dhawaan ku soo wajahan yahay goob Mareykan ah”. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xabsiga dhigay wax yar ka dib markii uu dalka yimid.

Kiiskan ayaa waxaa baaray FBI iyo dambi baarayaasha Waaxda Booliska New York. Waaxda cadaaladda ayaa sheegtay inay la socoto hanjabaadaha isa soo taraya ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta iyo Muslimiinta ee Maraykanka gudihiisa, sababo la xiriira Yuhuud-nacaybka iyo Islaam-nacaybka lala xiriirinayo mushkiladda ka aloosan Bariga Dhexe.

Ku Biiritaankiisa Al Shabaab

Haddaba arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah ku biiritaanka uu Karrem Nasr doonayey inuu ku biro Al Shabaab maxay ka dhigan tahay. Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amaanka wuxuu arrinta ka eegayaa laba dhinac.

“Tan 1aad waa in ay yaraadeen Soomaalidii qurbaha uga soo biiraysay Al Shabaab, maadaama lagu wiiqay hawlgallada hadda socda, qaab dhismeedkoodana dhaawac la gaarsiiyey, laakinse waxaa jira dad ajnabi ah oo aan fahamsanayn waxa Soomaaliya ka socda oo la soo duufsanayo ” ayuu yiri.

Qodobka labaad wuxuu ku sheegay in arrintan ay muujinayso in Al Shabaab ay tahay awood weli jirta “Waxay kaloo muujinaysaa in dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab iyo afkaartooda ay weli jiraan oo uusan koritaankoodu dhamaan inkastoo awooddooda la wiiqay” ayuu sii raaciyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*