7th September 2024  admin  Category :

Caasimada KMG ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa maanta isugu yimid madaxda Maamul Goboledyada Galmudug, Hirshabelle & Maamulka Koonfur Galbeed.

Labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug waxay ku yimaaden magaalada Baydhabo ee gobolka Bay labo Diyaaradood oo la soo kiraysytay lacagta ku baxaysana ay bixinayso Dawladda Federaalka.

Labaddii madaxweyne goboleed ee HirShabelle iyo Galmudug Axamed Cabdi Waare , Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii ay martida u ahaayeen Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen, oo horay u wada shaaciyey inay ku shirayaan Baydhabo oo war murtiyaad midaysan ka soo saarayaan waxa ay la tegayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo madaxda Soomaaliyeed intooda badan ku sugan yihiin, ayaa maanta ku kulmay Baydhabo 22 daqiiqo, iyaga oo haba yaraatee wax war murtiyeed ah ka soo saarin. Cabaar ka dib sadexdoodii Diyaarad kale ayeey u wada qaateen magaalada Muqdisho.

Hadaba maxaa iska bedelay Kooxdan uu Farmaajo sida kubadda ugu ciyaaro?

Sedexdan hogaamiye oo aan ka ka madax banaanayn dhan siyaasadeed iyo mid dhaqaale madaxweyne Farmaajo oo inta badan madaxweyne Farmaajo ku awr kacsdo oo aan MAYA aqoon , bulshada caalamakuna ay hadda ogtaatay, ayaa Bulshada Caalamku uga digtay madaxweyne Farmaajo inuu shir aan macno badan samaynay inuu ka furo Baydhabo. Waana sababtii keentay inuu Fariintan ay Villa Wardhiigleey soo dirto maalintii shalay.

Ugu danbayntii waa musuqmaasaq iyo hantidii Soomaaliyeed oo si khalad loo isticmaalayo in hogaamiyaal madaxweyne Farmaajo ku hagi karo Twitter inuu hadba meel Diyaarad u saaro. Hogaamiyashan labada mar diyaaradda kiraystay qaarkood degaanadooda gaajo ayaa loogu dhimanayaa oo lacagtaas Diyaaradaha bilaa macnaha lagu kiraystay meelo kale ayeey u buuxin lahayd

ALLSANAAG.COM

One thought on “Maxaa ku dhacay shirkii Baydhabo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*