26th July 2024  admin  Category :

Madaxda maamulka Beelaha Isaaq ku midaysan yihin ee SNM, oo uu ka mid yahay Ra’isawasaare ku xigeeka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan,  oo  maalmahan oo dhan ku doodayey in  kuraasta  aqalka sare ee Xildhibaanada ka imanaya waqooyiga Sooomaaliy  la wada siiyo  Beeshiisa Isaaq. Ayaa arintan uu ku  doonayey i isaga oo ku  gabanaya  magacii Ra’isawasaare ku xigeenka Soomaaliya uu ku  dhaco xildhibaanaddii ka imanayey gobolada  Sool iyo Sanaag. Markii ay u suurta geli wayday  damaciisii waalnaa, ayuu maanta intuu shaqadii uu Qaranka Soomaaliya u hayeey  meel iska  soo dhigay waxa uu bulshada Caalamka u sheegay inuu yahay hogaamiyaha beesha Isaaq, sidaas awgeedna isaga oo beeshiisa matalaya in laga qay geliyo madasha shirka Qaran ee Soomaliya.

Labo wejiilanimadan SNM ee Muqdisho ka socota mid la mid ah ayaa ka dhacday gobolka Sool. Dhowaan,  gaari laga leeyhay Puntland ayaa waxa lagu afduubtay degaanada SNM, maalmo ka dibna gaari laga leeyahay SNM ayaa lagu  afduubay degaanada Punland iyaga oo loo aarayo gaarigii hore,,

Waxa lagu heshiiyey oo lagu balamay in gawaarida la kala haysay  laysu celiyo, markii la wada yimi madashaa lagu balansanaa, madaxdii SNM waxay bilaabeen dhaqank[odii faanka. Laakiinse taliyihii Punland oo u adkaysan waayey iska hadalkooda ayaa siiyey jawaab cad waxay ugu jawaabeen siyaasad kama hadlayno,, Halkaas waxa kaaga muuqanaysa laba wajiilnimada iyo hadalada is burinya ee madaxda SNM meel walba ay la taagan yihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*