25th October 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Shiikh ayaa inta badan wuxuu ku faanaa inuu wax qabad kii ugu fiicnaa uu qabtay, uuna ku guuleeystay dhamaan lixdii tiir uu la yimid. Hase ahaatee, wax qabadka uu sheeganayo ma ahan mid ay la qabaan inta badan dadka Soomaaliyeed.

Sidda lawadda ogyahay, arrinta ugu muhiimsaneed ee dalka Soomaaliya ka taagneed tan iyo burburkii 1991dii waxeey aheed midda amniga, dawlad kasta oo timaadana waxaa lagu qiimeeyaa sida amniga ay wax ugga qabatay.

Xaqiiqda waxeey tahay marka faan laga yimaado in dawladda Xassan Shiikh uu madaxa ka yahay aysan waxba ka qaban arrimaha amniga, dawladana ma ahan mid hawl maalmeedkeeda u guddan karta sidda ay doonto, waxaadna maqleeysaa wasiir, xubin baarlamaan, sarkaal ciidan, iyo shacab la dillay ama la qarxiyey. Sheekada oo dhanna waxeey ku soo ururtaa waan canbaareeyneeynaa qaraxa ama dilka kuwa geeystey, waana ka tacsiyadeeneeynaa dadkii ku waxyeeloobey ehelkooda.

Iyadoo la ogyahay fashilka Madaxweeyne Xassan uu ka dhaxlay afartii sanno uu joogay xafiiska, ayaa waxaad arkeeysaa in maalmahan uu ka qeeyb gallayo meelo su’aalo lagu weeydiinayo uuna kaga hadlayo wax qabadkii fiicanaa oo ay dawladiisa ama maamulkiisa uu qabto.

Faanka aan kalla go’a laheen ee Madaxweeyne Xassana waxaa ugu danbeeysay midda uu kaga hadlayey shirka IGAD ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho taas oo uu ku tilmaamay ineey  tahay guul ku timid wax qabadka baaxadda leh oo ay ku tillaabsatay dawladiisa.

Waxaan ka dheragsanahay in magaalada Muqdisho la xirey dhamaan wadooyinkii halboolaha u ahaa taas oo carqaladeeysay dhamaan isku socodkii gadiidka u kalla gooshi jiray dhamaan magaalada, dadkana waa kuwo lugeenaya dariiqyada maadaama gaadiid qaadaa uusan jirin; waxaa intaa dheer, dhaqaalaha ka lumaya dadka oo ay sababeeyso inta wadooyinka ay xiran yihiin oo aan xisaabta lagu darrin iyo dhibka kalle ee shacabka soo gaarayo, balse ay tahay been la doonayo in la iibiyo oo ah in amniga uu yahay mid boqoliiba boqol ah oo xitaa bisadaha aysan jiirarka cuneen maadaama shirkii IGAD lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Shirar la qabtaa waqtigan Soomaaliya u noqon meeyso faan iyo in lagu sheego wax qabad, waxaase Madaxweeyne Xassan Shiikh sharaf u noqon laheed haddii uu miiska soo saaro waxaan dalka ka saarnay dhamaan ciidamadii AMISOM, waxaana abuurnay ciidan dalka uu leeyahay oo amnigana sugga.

Isku soo wada duub, Madaxweeyne Xassan Shiikh waa shaqsi fashilmay oo aan waxba ka qaban halka qodo ee ugu muhiimsan kaas oo ah midka amniga, maantana afar sanno kadiba oo uu xafiiska joogay waxaa welli uu suggida amniga uga fadhiyaa ciidamada AMISOM.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*