19th May 2024  admin  Category :

Ra’iisal Wasaare Kheeyre ayaa lagala noqday kalsoonida kadib markii gollaha baarlamaanka ay ku eedeeyeen inuu waajibaadkii shaqo uu ka soo bixi waayey.

Mar uu hadlayey guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in 170 ay u codeeyeen in xukuumadda uu hoggaamiye Kheeyre ay kalsoonida kalla noqdeen, meesha siddeedna ay diiday, iyadoona aysan jirin cid ka aamustay.

Hadaba, guddoonka baarlamaanka ayaa ka codsaday Madaxweeyne Farmaajo in uu soo magacaabo ra’iisal wasaare cusub. Sidoo kalle, waxaa soo dhaweeyey riditaanak ra’iisal wasaaraha Madaxweeyne Farmaajo.

Kullanka la isugu yeeray baarlamaanka ayaa ahaa mid lagu macneeyey inuu ahaa sidii looga doodi lahaa arrimaha doorashada, balse riditaanka ra’iisal wasaaraha ayaa aheed mid jeebka lagu soo qarsaday taas oo ay ka danbeeyeen guddoonka baarlmaanka iyo xubnaha 170 lagu sheegay.

Ra’iisal Wasaare Kheeyre iyo Farmaajo ayaa mudaba uusan xiriirkooda fiicneen, waana midda sababtay in Kheeyre uu taageero doorasha dadban, isagoona ka hor yimid midda uu madaxweeynaha uu doonayey ee aheen doorasho qof iyo cod.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa is weeydiin leh sida riditaanka ra’iisal wasaaraha ay ku noqon karto sharci iyada oo aan loo soo marin dariiqii saxda ahaa iyo iyadoo Ra’iisal Wasaare Kheeyre aan loo ogolaan in uu iska difaaco eedahaa uu guddoonka baarlamaanka u soo jeediyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*