26th July 2024  admin  Category :

(Radio Daljir) Ciidamada duulaanka ah ee Somaliland ayaa laga qabsaday saldhig ciidan oo horay ay uga qabsadeen Puntland, kuna yaala dhanka bari ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib dagaalkii cuslaa ee saakay qarxay.

Wararka aanu ka helayno saraakiisha dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka uu wali socdo ayna ciidamada Puntland la wareegeen sidoo kale sadex aag oo horay dagaalka uu uga socday oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland ee duulaanka ku ah Puntland.

Saraakishu waxa ay sheegeen in gaadiid iyo maydad ay ugu tageen saldhiga ay qabsadeen, walina dagaalka uu socdo, wixii kasoo baxana ay dib kasoo sheegi doonaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*