26th April 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira in madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed?

Sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo ka tirsan madaxtooyada Soomaaiya iyo sidoo kale saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sartay dalab ka yimid ka dhanka dawladda Itoobiya oo isku dayaysay in ay wadahadal la gasho dawladda Soomaaliya, si Isfahan uga gaaraan heshiiska xiisadda culus ee siyaasadeed dhaliyay ee Itoobiya Somaliland la sixiixatay.

Xogtaan ayaa tibaaxeysa in ay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday codsigii ka soo gaaray dhinac xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Codsiga oo ah mid uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ku dalbanayay in wadahadal uu la galo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ay saraakiishaan noo sheegeen in shardi ay Soomaaliya uga dhigtay in marka hore Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland ka hor inta uusan dhex marin wax wadahadal ah.

Dhinac Itoobiya ayaynaan ka helin wax war ah oo ku saabsan dalabka kulan wadahadal oo ay Itoobiya ku dooneyso in ay la gasho Soomaaliya, balse afhahayeen u hadlay Xukuumadda Abiy shir jaraa’id oo uu shalay qabtay waxa ku uu qiray in Itoobiya ay dooneyso in arrintan ay wadahadal kala gasho dawladda Soomaaliya.

shir

Kadib shirkii Golaha Amaanka ee Midowga Afrika, ee ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa waxa ay soo jeediyeen wadamadu in arrinka Soomaaliya iyo Itoobiya loo saaro dhexdhaxaadiye, iyaga oo madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u xilsaaray inuu noqdo dhexdhexaadiye.

Balse soo jeedintaas kadib ayaya Soomaaliya soo saartay war ay uga jawaabeyso, iyada oo sheegtay in wax dhexdhexaadin ah aysan ka gali doonin heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Soomaaliya.

“Ma jiro wax boos ah oo u banaan wadahadal, ilaa ay Itoobiya ka laabaneyso heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay saxiixday, ayna cadeyso xushmada, iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ka maqneed shirkii shalay ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda wadamada ku bahaysan urur goboleedka IGAD.

Shirkaas ayaa war-murtiyeedka ka soo baxay waxaa lagu cadeeyay “In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya”, ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Muuse

Xiisadda ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo jiitameysa tan markii ay Itoobiya heshiis is afgarad la saxiixatay Somaliland kowdii bishaan aynu ku jirno ee January.

Somaliland ayaa iyana dhinaceeda ku adkeysanaysan in uu dhaqan galo heshiiskaan, iyada ku doodeysa in madax banaanideeda ay wax walba ka hor marineyso.

“Dadka reer Somaliland, waxay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri war ay soo saartay kadib war-murtiyeedkii ka soo baxay kulankii ay yeesheen Jaamacada carabtu.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay dhamaan qodobadii ka soo baxay shirkii Jaamacadda carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*