1st December 2022  admin  Category :

Magaalada Middigale ee degmada Badhan ee goblka Sanaag, waxaa ka dhacay maanta qorshe la sii saadaaliyey oo lagu weeraray madaxdii Puntland, halisna loogu gaystay in lagu xasuuqo Caruurta degaanka. Hadaba yaa ka danbeeyey Qorshahan la sii saadaaliyey, oo markii uu dhacay dadkii qaarkiis ay lahaayeen “Xabaddii Middigale ayeey ka socotaa”.

Magaalada Middgale,waa magaalo ay degaan Beesha Reer Saalax iyo Bahwadaagtooda ee Warsangeli, beeshan oo aan haba yaraatee ku lahaan jirin sodonkii sano ee ina soo dhaafay iya hadaba maleeshiyaad iyo hor joogayaal u shaqeeya maamulka SNM ee ka shaqeeya amni xumada gobolka Sanaag.

Waa magaalada xarunta u ah Jidka Ceel daahir oo qalabkiisu yaalo, waa magaalada bulshada ku nooli guryihii ay ku noolaayeen uga baxaeen shaqaalaha jidka Ceel daahir

Afhayeen Isimada Puntland iyo ilaaliyaha midnimada Bulshada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa ka soo jeeda degaankan. Waana magalada Bulshada ku nooli Boqolkiiba sagaashan in ka badan aaminsan yihiin inay Yihiin Puntlanders.

Maanta Midigale ma ahayn sideedii hore, Isbaaro ayaa loo dhigtay madaxdii Puntland iyada oo gabaad laga dhiganayey Caruurta d’ada yar ee waalidkood u dirsadeen dugsiyada

Xabbadii laga soo tuurayey Caruurta gadaashooda waxay dhaawcday qaar ka mid ah Taliyaashii Ciidanka Puntland, waxaana loogu talo galay in ciidanku fal celiyaan oo halkaasi ay ka dhacdo xasuuq Caruureed oo marka danbe lagu eedeeyo maamulka Puntland inay gaysteen , Waa denbi laga galay Bulshada degaanka, waa Fal denbi ah xeerka Puntland iyo dawladda Soomaaliya, Waa fal danbiyeed Caalami ah in caruurta loo adeegsado, dagaal, argagixisnimo iyo xeelado dagaal

Ugu danbayntii maamulka Puntland iyo hay’adaha amniga waxa laga sugayaa baaritaan iyo inay guddi u saaraan falkii argagixsada ahaa ee maanta lagu dili lahaa boqolaal Caruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano. Sidoo kale bulshada degaanka oo arintan waxba ka ogayn , waxna kala socon oo hirurmarka diyaarka u ahaa oo boqolaalka kun ku bixiyey jidka Ceel daahir waa in codkooda la maqlaa

https://allsanaag.com/guul-reer-midigale-iyo-cawsane/

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*