26th April 2024  admin  Category :

Sanadkii hore  Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magcaabay  Guddoomiyaha guddiga doorashada Xubnaha matalaya gobolada waqooyiga Soomaaliya , wuxuuna ka dhigay in loo magcaabay  Xildhibaanada beelaha Isaaq ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya,  maantana waxa loo xil saaray inuu dhiso ciidan uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka dhigi doonaa Ciidan ay leeyihiin beelaha Irir Samaale

Jaamac Maxamed Qaalib, waxa lagu xasuustaa doorashadii aqalka sare ee gobolka  Sanaag markii loo tartamayey inuu soo ururiyey oo qol oo madow  isugu keenay  hal qof oo ka soo jeeda beesha Warsangeli iyo labaatan qof oo ka soo kala  jeeda beelaha  Isaaq oo qaarkood u tartamayeen Xildhibaanka  Kursiga aqalka sare ee gobolka Sanaag,    inta kalena  lagu sheegay inay kala reebayaan Musharaxiinta u tartamaya Kursigaas . Ugu danbayntiina codbixiyashii laga soo shaqeeyey ee  halka beel ee Isaaq ka soo wada  jeeday  waxay codka Xildhibaanka aqalka sare ee  gobolka Sanaag siiyeen gabar ka soo jeeda beesha Isaaq, Waana sababta Beesha Warsangeli oo shanta degmo ee Gobolka Sanaag sadex ka degtaa ayna maanta Xildhibaan ka soo jeeda degmooyinka gobolka Sanaag ugu lahayn aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawirka Sultan Abdikariim Farah.

Ugu danbayntii  bulshada Gobolka Sanaag iyo guud ahaan Puntland oo xasuusan caddalad daradii uu sameeyey Jaamac Maxamed Qaalib markii lagu aaminay inuu soo xulo xildhibaanada waqooyiga Soomaaliya   oo uu ka dhigay Xildhibaanada beesha Isaaq ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya , maantana Ciidanka loo xil saaray inuu soo dhiso waxay noqonayaan  maleeshiyo beeleed ka soo jeeda  Irir samaale. ” ma anaa lay qariyaa Mindiyo laygu qali doono” oo arintan lacag ku bixinaya

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*