26th July 2024  admin  Category :

Maxaa diidaya in Puntland ay amnigeeda suggato, iyadoona raaceeysa hab kasta oo looga horteggi karro inaan la soo dhoofin amni xummo ka timmaada gobolada kalle ee dalka? Waxaa dhab ah in intii ay billaabatay baarintaanada lagu sameenayo gawaarida ka imaaneeysa Koonfurta Soomaaliya, kadibna lagu wareejinayo allaabta ay wadaan gadiidka laga leeyahay Puntland ay noqotay arrin dadka ay soo dhaweeyeen, amnigiina kor u qaaday.

Hase ahaatee, waxaa arrintaas diiday dadka iyagu Puntland ay ka deggi weeyday kuwaas oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay burburka, dilka, dhaca iyo kalla danbeen la’aanta. Waxaa dhab ah  in tallaabada Puntland ay qaadatay ay aheed mid lagu kallifay oo aan iska iman.

Mar uu ka hadlayey arrintaas Nabadoon Yaasiin Cabdisamad wuxuu yiri, “Inta diidan oo ka qeeylineeysa arrinta amniga lagu suggayo waxaan u aragnaa ineey yihiin cidda fidmo wadayaasha ah ee dooneeysa inaan marnaba Puntland nabad ka dhicin, go’aankaasna waxaan ku taageersan nahay boqolkiib laba boqol dawladda, dawladdana haddii ay dabac ka sameeysana shacab ahaan anagaaba ka yeeleen.”

Wuxuu kaloo nabadoonku yiri, “Gaalkacyo waa ganjeelka laga soo gallo Puntland, haddii amniga Gaalkayo uu noqdo mid suggan oo la isku halleen karro, micnaheedu waxa weeye amniga Puntland oo dhan inuu suggan yahay.”

Maanta adduunka waxaan la soconaa in garoomada, dekeddaha, iyo xadadka lagu soo roggey baaritaano dheeri ah taas oo looga hortagayo baqdinta laga qabo dhinaca amniga, waxaana qofka socdaalaya iyo badeecooyinkaba lagu sameeyaa baaritaano siyaado ah, waana mid waajib ah si loo illaaliyo amniga muwaadiniinta.

Waxaana ugu danbeeyey dagaalka amni xummida lagulla jirro hawlgalkii Mareeykanka ay ka fulliyeen dulleedka magaalada Gaalkacyo. Hadaba maamulka iyo shacabkaba Puntland waa in mar walba ay ka feejignaadaan meesha amni xummida ugga imaaneeysa, waana inaan dheg loo dhigin kuwa iyagu amniga aan qiimaha ugu fadhiyin ee argagixisada gabaadka siiya hadaladooda.

 

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*