28th March 2024  admin  Category :

Maxaa dhexmaray Isimadda Puntland & Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku shiray Garoowe?

GAROOWE(P-TIMES) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Isimadda dhaqanka ee Puntland, gaar ahaana gobalada Mudug, Nugaal & Sool oo ay ka wada hadleen arrimaha colaadeed ee ka jira gobalka Sool oo ay isku hayaan Puntland & Somaliland, iyadoo si adag looga wada hadlay arrimahan.

Isimadda la kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating  ayaa kala ahaa.

  1. Garaad Saleebaan Garaad Max’ed oo ka soo jeeda gobalka Sool.
  2. Islaan Ciise Islaam Maxamed ooo ka soo jeeda gobalka Nugaal.
  3. Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kasoo jeeda gobalka Nugaal.
  4. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ka soo jeeda gobalka Sool.
  5. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka soo jeeda gobalka Mudug.
  6. Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi oo kasoo jeeda gobalka Sool

Warsidaha Puntlandtimes.com oo la hadlay qaar kamid ah Isimadii la kulmay ayaa u sheegay in ay u gudbiyeen Ergayga gaarka ah warqad ay ku cad yihiin aragtidooda ku wajahan xaaladda gobalka Sool, taas oo ahayd in aysan marnaba nabad ka qaadaneyn in Somaliland ay duulaan ku haysato gobalkaas.

Isimadu waxay sheegeen in ay u sheegeen Ergayga in Somaliland iyo Puntland ay yihiin dad deris ah oo mudo dheer nabad ku naaloonayay, cidda hadda duulaanka soo qaadayna ay tahay dhinaca maamulka Hargeysa oo ay tahay in ay ka baxaan oo kaliya deegaanadaas.

Isimaddu waxay cadeeyeen in nabad ku imaan karto ciidamada Somaliland ee kusugan guud ahaan gobalada Sool & Sanaag oo laga saaro, lana geeyo deegaanada Togdheer ee Burco ugu sokeyso, markaasna ay bilaaban karaan wada hadal.

“Waxaan u sheegnay wixii xaqqa ahayd oo ahaa in aan xaqiiqada wajahino sababtoo ah anagu duulaan manihin, dawladdan Puntland-na waxaa lagu dhisay qaab ku saleysan rabitaanka shacabka walaalaha ah, Ma jirto cid kasoo jeeda Beesha Isaaq oo wax ka dhisatay Puntland, sidaas oo kalena ma jirto cid katirsan Beelaha Hartiga oo wax ka dhistay Somaliland, taasi waxay cadeynaysa in aysan waxba ka dhaxeynin dhul ah labadeena dhnac’’ ayuu yiri mid kamid ah Isimadda gobalka Sool ee shirkan ka qeybgalay.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah isinka ugu weyn Isimada Dhulbahante eel eh gobalka Sool, ayaa toos ugu sheegay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating in ay dagaal uga saarayaan Muuse Biixi Cabdi ciidamadiisa gobalkaas, haddii aysan ka bixin maalamaha  ee nagu soo wajahan, taasna ay masuuliyadiisa leeyihiin maamulka Hargeysa.

Mr, Keating ayaa u sheegay Isimadda in uu dhambaalkooda qaadayo oo horgeynayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay, taas oo ah buu yiri ‘Halka lagu gaarayo go’aanka cidda leh eedda ku saleysan arrimaha ka taagan gobalka Sool’’.

Shirkan gaarka ah ee maanta dhexmaray Isimadda Puntland & Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxaa ka horeeyey kulan aan waxba layskula harin oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland & Ergayga oo lagu soo qaaday xaaladda dagaalka Sool.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*