31st January 2023  admin  Category :

Nairobi: Xaafadda Eastleigh oo Soomaalidu ay u taqaano Islii ayaa waxaa ka billoowday afduub loo geeysanayo dadka Soomaalida, dabadeedna la soo wacayo reerahooda iyadoo loo sheegayo ineey soo bixiyaan lacag madax furasha ah oo gaareeysa malaayiin lacagta Kenyan Shilinka ah.

Dadka la afduubtay ayaa waxa ka mid ah gabdho dukaamo ku leh xaafadda Islii, waxaana qoysaskooda loo soo diray muuqaalo gabdhihii oo meel kasta ka bararsan oo dhiigna uu ka da’ayo, waxeeyna u sheeygaan hadii aan si dhaqso ah loo soo bixin lacagta in nafta laga jarayo.

Kenya markan waxeey noqotay meel aan amni ahaan loogu noollaan karin, marka madax furasho la bixiyo waxaa xooggeeysan doona afduubka loo geeysanayo Soomaalida.

Buraan: Maamulka Buraan oo soo saaray digniino ku wajahan dadka dhulka seereeysta, kuwa xaalufiya dhirta iyo kuwa ugaarta sida sharci darrada ah u ugaarsada. Dadka ku dhaqaaqa arrimahaas ayaa loo sheegay ineey wajihi doonaan ganaax iyo xabsi.

Burtinle: Dadka danyarta ah ee ku nool magaalad Burtinle ayaa waxaa soo food saartay xaalad nolol xummo. Dadkaan waxeey sheegeeyn in noloshoodii ay ka maareeyn jireeyn adeegyada yar yar oo ay dadka u qaban jireeyn taas oo ay sheegeeyn ineey ka baxday meesha, taasna ay sababtay ineeysan heeysan wax ay cunnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*