26th July 2024  admin  Category :

Odayaal ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Shidan kaasoo ay soo qaadeeyn maamulka Hargeeysa ciidanka ka tirsan ; odayaasha ayaa sheegay in Soomaali aysan kalla adkeeyn, ayna u diyaar garoobayaal dagaal ay la gallaan beesha Isaaq.

Dagaalkii ka dhacay shidan waxaa ka qeeyb qaatay maamulka Hargeeysa, ciidanka soo weeraray deegaankaasna waxeey isugu jireeyn ciidanka badda oo xaga badda laga soo gelliyey iyo mid dhinaca dhulka ka soo galay. Ciidanka SNMta ayaa tiradooda lagu sheegay ineey ahaayeen 350 askari, meesha dadka deeganka ee deegaankooda difaacanayeyna ay ahaayeen 50 qof. Si kastaba ha ahaato, muuqaalka hoose waxaad ku arki kartaan 18 maxaabiis ah oo ka mid ahaa dadkii deegaankooda difaacanayey oo Ceerigaabo la keenay. Hadaba, dadka deegaanka ayaa ay tahay ineey ka bixiyaan jawaabta ku habboon, waxaana dhab ah in nimankaa Hargeeysa ka soo duulay aysan halkaa ku istaagi doonin oo maalin kasta la arki doono iyaga oo deegano hor leh ku habsanaya. Hadaba, dadka deegaanka waa ineeysan marnaba isku halleeyn Puntland in ay gacan siiso, balse ay iyagu isku tashadaan sidii ay awabla isugu tashan jireeyn.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa gaaray magaalada Kismaayo si ay wax ugala qabtaan maamulkaas abaaraha ku dhuftay meelo ka mid ah deegaanadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*