26th April 2024  admin  Category :

Garoowe: Xasan Shiikh oo markii uu madaxweeynaha ka ahaa dalka, waxba ka qaban waayey arrimaha gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa su’aal la weeydiiyey markan waxa uu sheegay in arrinta gobolada Sool iyo Sanaag xalkooda uusan oolin Garoowe, Hargeeysa iyo Muqdisho, balse ay u baahantahay arrintooda in si Soomaalinimo ah loo xalliyo. Hadaba, dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa qaldkii ugu weeynaa taariikhdooda waxeey aheed markii ay ka mid noqdeen aasaaskii maamulka Puntland.

https://youtu.be/M-ZCqRLqfpg

Koonfurta Kuuriya: Dalka Koonfurta Kuuriya waxeey sannadkii 2020kii ay sheegeen in dhimashada dadka dalkaas ay aad uga badneen inta qof ee dalka ku dhalatay. Waxaa dalkaas u dhashay 275,800, meesha ay dhinteen 307,764. Hadaba, dumarka dalka Koonfurta Kuuriya ayaa iyagu ka wallaacsan ineey carruur dhallaan maadaama aysan isku wadi karin shaqada iyo carruurta. Sidoo kalle, dawladda dalkaas ayaa ka fakareeysa sidii ay xal ugu helli laheed dhasha sii yaraaneeysa ee dalkaas.

Tukaraq: Bulshada Tukaraq ayaa dayactir ku sameyey ceel biyood; ceel biyoodka ayaa haddeer si wannaagsan u shaqeenaya, waxaana la fillayaa in baahida guud ee dhinaca biyaha uu wax weeyn ka beddeli doono ceelkaas.

One thought on “Maxaa Cusub Maanta?

  1. Jirac

    Maxaad ka fileysay the most corrupted president oo waliba neceb horumarkaaga iyo jiritaankaaga Hassan sheikh. Hada waxaa Garowe u jooga damul jadiid ka mid ah Siciid Deni faham cayaarta saaxiib (Hadalka ah dadka Sool iyo sanaag qaladkoodii wuxuu ahaa iney puntland wax ka dhistaan waa GEF aad u weyn) waayo puntland waxaa dhisay waa dadka Reer Sool iyo Sanaag runta markii la sheego “askartii hore ee hada intooda badan aanba nooleyn maanta Alaah ha u wada naxariistee ragii u dhabacday u gaajooday u soo dhafray waxay ahaayeen Rag ka soo jeeda gobolda Sool iyo Sanaag. Fiiri haduu maanta noolaan lahaa aabihii dhabta ahaa ee dhisay puntland Allaah ha u naxariistee Awad xasharo maanta wax badan oo qaldan ma dhaceen laakiin wax kadta waxay ku dhacaan xukunka Allah hadii wax qaldamaana xalkoodaa la raadshaa ee wax lama dumiyo waa erayadii Aabihii puntland aan ku xusuusiyee. Xusuus gaar ah xifaaltanka beelaha dhulbahante dhexdooda ee sababay las’anod inay SNM hub dhul Keenan I remember in la’isku qabtay ha u dunto iyo waa lagu dagaalamayaa cidii dhimaneysa ha dhimatee oo waliba rag odayaal ah oo puntland wax ka ahaa aadeen oo la soo sixray waa xaqiiqa la wada ogyahay taas. Sixirka dadkayaga ma yaqaanaan mana isticmaalaan hade waxaad arkeysaa qof sheikh sheeganaya oo la yiri oo loo adeegsanayo dadkiisa miyeysan sixir aheyn ma fiyowyahay maxuu cunay maxaa la cabsiiyey lagama yaabo in qof kaasi dhaho dhibka iyo shidada orod la’aad oo ka bilow marka hore Burco, Hargeysa, ama Berbera kan horgalahaa waa sidaas oo kale tusaale INDHO INDHO iyo odaga la feero iyo ina koore in kastoo aan jeclaa aabihiis iyo kan ugu magacaaban foreign minister oo lacagta laga ilaaliyo in loo gacan galiyo inta laga ‘**###yo marka dhaxalkeedii maxuu noqday cunuqabateyn dhaqaale, barakicin deegaan, humiliation this week ninkii ninka dikey eeg dee xoogaa shilimaadkoodii ah siiya weeye iyo in maanta sidii beesha Hawiye iyo Isaaq oo adeegsanaya shaatiga shaydaan ay odayaasha Galkacyo ee puntland masaajida dhexdooda kuwada layeen mid mid. Marka ninkii u qaba in dagaalkii dhamaaday u qabow oo dhulkiisa iyo dadkiisa cadow ku soo hogaamiyey hada maanta buu miideedii hayaa heer waxay mareysaa loo wada jeedo marka ha lawada duceysto oo dulmiga ha la diido caqliguna ha shaqeeyo hana la hor mariyo deegaanadeena xag waxbarasho iyo xag infrastructure muhiimadu waa taas mida ugu muhiisan aadaa ka fiican xinka yar ee dhexdeena ah waaba dhamaad hada siday iila muuqato oo dadkeena maanta waxbay fahmeen yaan la fiirin Goal keenu waa sidan 1. Dhameystirka jidka barakeysan.#qofiyofoosto, bilaabida HW 2 Gorowe las’anod, bilaabida 2da dekadood ee kaluumwysiga lassqorey iyo Eyl dhameytirka mashruuca Dekada Garacad iyo wadada wadaagsin dhameytirka kadtamka tuur dibi iyo bilaabida HW 5 Galkayo Buhoodle custom#3 intaas mlawada focus gareeyo dhameytirkooda oo ay dhamaadaan waa qofkee caqliyaraha aan fahmeyn horumarso dhulkaaga intaad horgale non kale u ahaan laheyd deegaan balaadhsi ku jidha. Koriya dadkanaga maskaxdooda kuna toosiya wadada horu marka kana leexiya waxa qaldan dadkaa guuree dhulku ma guuro nafsiga ka saara puntland balanteenu waa taas ha la’iga raali ahaado inanka yarna ha la toosiyo waan soo dhaweynayaa dadaalkiisa. Waa mahadsantihiin

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*