25th October 2024  admin  Category :

Waxaa ka socda gobolka Sanaag abaabulka looga soo horjeedo SNMta ku soo duushay deegaanada Warsangeli. Hase ahaatee iyadoo abaabulkaas uu socdo, ayaa maalintii shalayto aheed waxaa yimid magaalada Shimbiraale wasiiro ka socday beesha Isaaq, kuwaas oo Suldaanka Guud ee Beesha Warsengeli uu ku soo dhaweeyey meeshaas.

Soo dhaweenta suldaanka ee wasiirada SNMta, ayaa gaf ku ah shacabka Warsangeli ee dhulkooda lagu soo duulay. Waxaana wax laga xumaada ah, meel shacabkii abaabul uu ku jiro in misana suldaankoodii uu Shimbiraale ku soo dhaweeyo cadawgii dhulkooda ku soo duulay.

Masiirka Warsangeli illaalintiisa iyo difaacidiisa waa mid ay u taal dhamaan beesha oo dhan, mana ahan in laga yeelo cid kasta oo masiirkooda wax u dhimeeysa.

Waxaase ayaan darro ah, in dadka qaarkiis ay rumeeysan yihiin in hoggaanka oo wax qasaya aan la canbaareen karrin, laga hadli karin qaladka uu sameenayo, lala xisaabtami karin, la badelli karin isagoo fool xumooyin halis ku ah ummada faraha kulla jirra.

Waxaana dhab ah in hoggaamiyaha xilka laga qaadi karo, la canbaareen karo, lalana xisaabtami karo maadaama ummad dhan magaceeda uu huwan yahay.

Beelaha Daaroodna waa ineey oggaadaan in suldaanka waxa uu sameenayo aysan ka tarjumeen rabitaanka shacabka Warsangeli, arrimahan uu sameenayana waa kuwo ay ku gaar tahay isaga oo kalliya ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*