17th July 2026  admin  Category :

Mashruucii ugu horeeyey ee World Bank ka hirgeliyo gobolka Sanaag ayaa laga dhagax dhigay degmada Buraan

Degmada Buraan, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha Puntland, Mudane Siciid Maxamed Warsame, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, iyo Maxamed Cismaan Shire oo ah Isuduwaha Mashruuca FSRP ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Caafimaadka Xoolaha ee degmada Buraan (Veterinary Clinic).

Xaruntan ayaa ka koobnaan doonta qaybta maamulka degmada ee Wasaaradda iyo qaybta bixinta adeegyada caafimaadka xoolaha.

Dhismaha xaruntan waxaa looga golleeyahay in la daadajiyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan xoola-dhaqatada, si loogu soo dhaweeyo adeegyada caafimaadka xoolaha kaas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha ee dalka.

Qorshahan ayaa sidoo kale ka tarjumaya balanqaadka Dowladda Puntland ee ku aaddan baahinta adeegyada dowladda iyo gaarsiintooda dhammaan deegaannada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*