
17th May 2025 admin Category :
Mashruuca Biyo balaarinta magaalada Midigale
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee dawladda Puntland Mudane Siciid Salaad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng. Ismaaciil Maxamed Xasan ayaa deegaanka Midigale ee gobolka Sanaag ka dhagax-dhigay mashruuca Biyo balaarinta magaalada midigale oo ka kooban Dayactirka ceelka, balaariinta tuubooyinka biyaha iyo Haanta biyaha. Mashruucan oo ay fulineyso hay’adda ADRA. Waxa masuuliyiinta Wasaaradda La dhagax dhigay maamulka gobolka Sanaag maamulka iyo waxgaradka deegaanka Midigale ee Degmada Badhan.