18th June 2025  admin  Category :

Gabar caan ka ahayd barta Tiktok oo la toogtay iyadoo toos ula hadleysay taageerayaasheeda

Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.

Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo dumarka ee ay ku lahayd magaalada Guadalajara, halkaas oo uu “sida la sheegay rasaas kaga riday,” sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Jalisco.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse kiiska waxaa hadda loo baarayaa sidii dil dumar oo ku salaysan (femicide) — oo ah marka dumar ama haween loo dilo sabab la xiriirta jinsi ahaan dumarnimadooda, sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.

Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 dumar ama 10 gabdhood la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.

Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda oo ku yaalla deegaanka Zapopan, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda

Daqiiqado kadib, waxaa la joojiyay muuqaalkeeda kadib markii qof kale uu qaaday taleefankeeda si uu uga baxo tooska ama Live-ka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in la dilay iyadoo nin isaga dhigay inuu hadiyad u sida uu rasaas ku furay.

Booliska ayaa toogashada kadib tagay goobta, waxayna xaqiijiyeen geerida Ms Marquez, sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka.

Xafiiska dacwad-oogaha ma uusan magacaabin eedeysane ama cid uu ku tuhmayo dhacdadaan..

Taageerayaasha Ms Marquez, ay ku lahayd baraha bulshada sida TikTok iyo Instagram, oo gaaraya 200,00,0 ayaa si naxdin leh uga falceliyay geerideeda.

Duqa magaalada Zapopan, Juan José Frangie, ayaa sheegay in xafiiskiisa uusan heyn wax diiwaan ah oo muujinaya in Ms Marquez ay ka dalbatay caawimaad la xiriirta hanjabaado iyo falal amni darro ay dareensaneyd intii ay nooleed, isagoo intaas ku daray: “Dilka dumarka waa shayga ugu xun”, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska dacwad-oogaha gobolka ayaa sheegay in dad khuburo ah ay qayb ka yihiin baarista dilkaan iyo waxa dhab ahaan sababay.

Falkaan ayaa la aaminsanyahay inuu abuuri karo cabsi gaar ah dumarka isticmaala baraha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*