19th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Mashaariic ayuu wadaa,  Muqdishana Mooshina ayaa laga wadaa. Waa Siyasiyiin  laysku khasbayo oo aan isla jaan qaadi karin.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa labo arimood kaga  duwan madaxda Soomaaliyeed, gar ahaan siyaasiyiinta ka soo jeeda  Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas, oo ah khabiir  cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay , kuna qaatay darajada ugu  saraysa cilmigaas ee la gaaro,   ayaa aaminsan in horumarka iyo  maalgashiga ku salaysan kalsoonida uu ku iman karo oo qura  iyada oo la dhiso kaabayaasha Dhaqaalaha lana xoojiyo amaanka dadka martida ah oo doonaya inay Puntland maal gashadaan

Sawirka Sheriff Youssef.

Madaxweyne Gaas, waxa kale uu kaga duwan yahay  Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya, iyo  waqooyiga Soomaaliya  ,  waa isaga oo had iyo jeer u mahad celiya una duceeya  Allah ha u naxariistee Aabe Siyaad oo Soomaaliya wax badan u qabtay dhanka horumarka intaan lagu soo qamaamin 1991. Madaxweyne  Gaas had iyo jeer wuxuu ka mahad celiyaa sida dekedda Boosaaso iyo laamiga ay dawladdii kacaanku dhistay sida  nolosha bulshada reer Puntland ay wax badan uga bedeleen. Halka Hargaysa iyo Muqdisho Horumarkii uu u sameeyey Jaale Siyaad  ay ku xaqirayaan ama ku inkirayaan beesha uu ka soo jeeday

Dhanka kale Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya iyaga bulshadooda waxay u keenaan oo qura oo ay u balan qaadaan, marka ay soo jiidanayaan   waa inay  Mooshin  soo wadaan oo dhowaan  Baarlamaanka hor keenayaan. Mooshinada loogu jecel yahay waa kuwa Qaran dumiska ah.

Waxay kaloo u balan qaadaan in Turkiga ay kala hadlayaan inuu sameeyo meelo kale oo lagu quudiyo Bulshada ay metelaan

Ugu danbayntii arinta  Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiweli Gaas uu  maanta ka dhawaajiy oo ah in kheyraadka dalka laga faaiidaysto si horumar loo gaaro waa arin wanaagsan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay sidoo kale in garoon diyaaradeed uu  Badhan ka dhisayo. Madaxweyne warshaddi Lasqoray ,iyadaa shaqo abuur iyo dhaqaale soo kordhinayse iyadana  ku dar Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo aad maalgashiga u raadinayso . Bulashada degaankuna waxay diyaar u tahay inay dhagxaanta sarifaan si ay horumar u gaaraan

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*