9th January 2025 admin Category :
Madaxweynaha Puntland Mashaariic ayuu wadaa, Muqdishana Mooshina ayaa laga wadaa. Waa Siyasiyiin laysku khasbayo oo aan isla jaan qaadi karin.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa labo arimood kaga duwan madaxda Soomaaliyeed, gar ahaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas, oo ah khabiir cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay , kuna qaatay darajada ugu saraysa cilmigaas ee la gaaro, ayaa aaminsan in horumarka iyo maalgashiga ku salaysan kalsoonida uu ku iman karo oo qura iyada oo la dhiso kaabayaasha Dhaqaalaha lana xoojiyo amaanka dadka martida ah oo doonaya inay Puntland maal gashadaan
Madaxweyne Gaas, waxa kale uu kaga duwan yahay Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya, iyo waqooyiga Soomaaliya , waa isaga oo had iyo jeer u mahad celiya una duceeya Allah ha u naxariistee Aabe Siyaad oo Soomaaliya wax badan u qabtay dhanka horumarka intaan lagu soo qamaamin 1991. Madaxweyne Gaas had iyo jeer wuxuu ka mahad celiyaa sida dekedda Boosaaso iyo laamiga ay dawladdii kacaanku dhistay sida nolosha bulshada reer Puntland ay wax badan uga bedeleen. Halka Hargaysa iyo Muqdisho Horumarkii uu u sameeyey Jaale Siyaad ay ku xaqirayaan ama ku inkirayaan beesha uu ka soo jeeday
Dhanka kale Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya iyaga bulshadooda waxay u keenaan oo qura oo ay u balan qaadaan, marka ay soo jiidanayaan waa inay Mooshin soo wadaan oo dhowaan Baarlamaanka hor keenayaan. Mooshinada loogu jecel yahay waa kuwa Qaran dumiska ah.
Waxay kaloo u balan qaadaan in Turkiga ay kala hadlayaan inuu sameeyo meelo kale oo lagu quudiyo Bulshada ay metelaan
Ugu danbayntii arinta Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiweli Gaas uu maanta ka dhawaajiy oo ah in kheyraadka dalka laga faaiidaysto si horumar loo gaaro waa arin wanaagsan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay sidoo kale in garoon diyaaradeed uu Badhan ka dhisayo. Madaxweyne warshaddi Lasqoray ,iyadaa shaqo abuur iyo dhaqaale soo kordhinayse iyadana ku dar Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo aad maalgashiga u raadinayso . Bulashada degaankuna waxay diyaar u tahay inay dhagxaanta sarifaan si ay horumar u gaaraan
Allsanaag.com