7th September 2024  admin  Category :

Marxuum Xasan Abshir oo Aas qaran loogu sameeyay magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir faarax ayaa aas qaran loogu sameeyay maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntlnd.

Aaska Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynayaasha Shanta Maamul goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka raacay Muqdisho.

Madaxdii ka qeyb gashay Aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa halyeey wax badan dalkiisa u soo qabtay,isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay midnimada dalka Soomaaliya.

Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*