26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo bulshada Caalamku soo khasabtay oo Cago jiid ah ayaa ku soo fool leh Dhuusomareeb maalinta berito ah

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo ay shalay gelinkii dambe gaareen magaaladaas.

Wafdigan ayaa isugu jira Howladeeno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada, sida Koox qaabilsan Hab maamuuska, La Taliyeyaal iyo Ilaalada gaarka ah Madaxweynaha ee loo yaqaano Koofiyo Casta.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalinta berri oo Sabti ah ay soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa la filayaa in isla berri dib ugu soo laabtaan Dhuusamareeb Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Garowe u aaday ka qeyb galkii aaskii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.

Isla shalay waxaa magaalada Dhuusamareeb ku soo laabtay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ka qeyb galay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor oo maalin ka hor Garowe uga qeyb galay aaskii Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isna maanta oo jimco ah dib ugu soo laabanaya Dhuusamareeb.

Guud ahaan jawiga magaalada ayaa ah mid la ciir ciiraya wafuudii ugu badneyd ee ka socda Maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*