27th July 2024  admin  Category :

Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda badda

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*