26th July 2024  admin  Category :

Qoraal lagu baahiyay Safaaradda Mareyanka ee Muqdisho boggeeda Twitter-ka ayaa lagu taageeray jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal kaasoo ay ka soo horjeesteen madaxda maamul goboleedyada Koofurgalbeed iyo Galmudug.

”Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon”.ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigey barta Twitterka ee safaarada Maraykanka.

Qoraalkan ayaa waxaa uu dhabarjab ku noqonayaa maamulada Galmudug iyo Koofurgalbeed oo hore loogu ammaanay inay ku dhamaystireen jadwalka doorashada xildhibaanada golaha shacabka xilligii loogu talogalay.

maraykanka oo taageeray jadwalka dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*