26th July 2024  admin  Category :

Muusa Biixi: Mar hadii aan imid dalka Mareeykanka aan bal garaaco xafiiska madaxweeyne John Biden si aan ictiraafka aan oggola hadlo. Alleelehe nambarkiisii wuu dhacayaa drum drum, drum drum;

Biden: hello, hello,

Muusa Biixi: John Biden madaxweeynaha adduunka ma i maqleeysaa aniga si fiican baan kuu maqlayaa.

Biden: waa kuma?

Muusa Biixi: waa madaxweeynaha Soomaaliland;

Biden:  Ma Farmaajaa? Farmaajo maanta waa soo dheeraatay.

Muusa Biixi: Maya, Maya ma aha Farmaajo ee waa Muuse Biixi.

Biden: Talloow ma tuugtii Shiinaha iyo Ruushka ee sirta xadi jiray baa maanta afka iga soo galay?

Muusa Biixi: ma’aha tuugtii Shiinaha iyo Ruushka midna ee waa madaxweeynaha Soomaaliland oo ictiraaf idinka soo raadiyey

Biden: Ictiraaf!

Muuse Biixi: Haa madaxweeyne;

Biden: War aaway shaqaalihii xafiiska? Waa maxay ninkan warreersanee aad afka iga soo gellisayn ee Soomaaliland iyo ictiraaf ku haya?

Muuse Biixi. Madaxweeyne Biden sidaa ha u hadlin fadlan. Waxaanu nahay dad ay xasuuqday dawladii Kacaanka. Ictiraaf hellitaankiisa ayaan bukaan la nahay.

Biden: That is not a good reason to secede the rest of Soomalia. Soomaali iyada oo dhan ayaa is wada dishay ee waxaas wax ictiraaf lagu raadiyo ma’ahan. Anaga dagaalkii ahliga ahaa ee ka dhacay dalka Mareeykan waxaa nooga dhintay labba milyan oo qof ku dhawaad mana jirto cid taas ku kalla tagtay;

Muuse Biixi: Fadlan diyaaradii na duqeeysay Hargeeysa ayeey saarantahay sawirkeedii ayaan kuu soo dirayaa si aad u aragto.

Biden: Xiiso badan umma qabo ha ii soo dirin ee haddaad macaawino dooneeysaan la xiriira safiirkeena fadhigiisu yahay Muqdisho;

Muuse Biixi: Adduunkaan dadka joogaa waa wadda xaasidiin wax isku naxayaa ma jiro, bal maxaa nalloo aqoonsan waayey?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*