29th March 2024  admin  Category :

Maraykanka Oo Ku Booriyay Farmaajo Inuu Ku Taageero Rooble Qabashada Shirka Wadatashiga

Mareykanka ayaa ku booriyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ku taageero Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhameystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo sida degdega ah ee loogu baahan yahay in loo joojiyo hadalada sii kicinaya ficillada. Waxaan carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ahaadaan, waxaan ku boorriyay Farmaajo in uu taageero ra’iisul wasaaraha si uu ugu yeero Golaha Wadatashiga Qaran si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah.”ayay ku qortay bogeeda Twitterka Molly Phee.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa sidoo kale waxa ay hore u sheegtay in dowlada Maraykanka ay ku taageersan tahay Ra’iisul Wasaare Rooble dadaallada uu wado ee la xiriira sidii loo qqban lahaa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo looga tashanayo sidii loo sixi lahaa tabashooyinka jira.

maraykanka oo ku booriyay farmaajo inuu ku taageero rooble qabashada shirka wadatashiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*