26th July 2024  admin  Category :

Lixdan sano ka dib, ayaa mar kale magaca QABLAN ku soo biiray siyaasadda Soomalaiya iyo tan gobolka Sanaag.

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Qablan, oo ka mid ahaa xildhibaanaddii ugu horeeyey ee laga soo doortay waqooyiga Soomaaliya markii aynu xornimada qaadanay, inta badana la sheego inuu ka danbeeyey qaab dhismeedka siyaasadeed beelaha Soomaaliyeed , ka dib markii midowga Soomaalida uu ka diiday siyaasiyiin ka soo jeeda Waqoyiga iyo Koonfurta inuu Qaato gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda wiilkiisii wuxuu u sharaxan yahay Xildhibaan iyo inuu qaado jidkii uu horay uu u qaaday Aabihiis, oo inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa reer Maakhir ay mahadiyeen.

Aqoon yahan Maxamed Cabdulaahi Qablan ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee iska soo sharaxa gobolka Sanaag, kana soo jeeda Qoys ay bulshada reer Sanaag aad ugu yaqaaniin ganacsi iyo siyaasad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*