5th February 2023  admin  Category :

Khilaaf dhaqan siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Ceerigaabo.

Dhowaan ayeey ahayd markii dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Isaaq ee degan galbeedka magaalada Ceerigaabo ay ka belaabeen Magaaladaas inay derbiyada iyo Dhirta ku sawiraan marada ay gaarka u leeyihiin ay ugu yeedhaan calanka Somaliland.

Habeenkii Xalay ayaa dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Harti ee degan magaalada Ceerigaabo, oo ay jabhadda SNM khaladka ka fahmeen dulqaadkooda iyo xeerinta wada noolaanshaha waxay iyaguna xaafadaha ay ka degan yihiin magaalada Ceerigabo ka bilaabeen nashqadeeyen geedaha iyo inay derbiyada ku sawiraan calanka Soomaalida ee aynu wada jecel nahay.

Intaas markii ay dhacday ayaa Maleeshiyaadka SNM, garabka ku mushahaar qaata ” ka ilaalinta magaalada Ceerigaabo Daaroodka” waxy afduubteen dhalinyaradaas oo ay xir xireen . Maleeshiyaadkan Isaaq ee Xaruntoodu tahay Ceerigaabo oo leh sanduuq qaaraanka looga ururiyo dal iyo dibadba ayaa ah kan ugu da’da weyn Maleeshiyaadka SNM, uguna mushahaar badan. Ururkan inta badan waxa ku mushahaar qaata beesha Garweyn, xilkana waa layska dhaxlaa ee lama qoro Beelaha kale

Ugu danbayntii Midnimo iyo awood ay dhalinyarada Daarood ee reer Ceerigaabo muujiyeen ayaa si deg deg ah loo sii daayey wiilashii ay horay u afduubteen Ururka ” ka ilaalinta magaalada Ceerigaabo Daaroodka”

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*