27th April 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha maamul goboleedka Hargaysa Muuse Biixi ayaa hadal uu jeediyey maalintii shalat ka hadlay arrinta Laascaanood, wuxuuna dillalkii ka dhacay Laascaanood dusha uga tuuray argaggixisadda caalamiga ah. Hadalkaas ayaa u muuqda mid lagu doonayo in dillalkii Laascaanood ka dhacay oo dhan ay maamulka Hargeeysa isaga leexiyaan, dushana ka saaraan argaggixisadda caalamiga ah.  

Argaggixisadu marka ay maamul la dagaalamayaan inta badan waxa ay beegsadaan cid kasta oo kamid ah maamulkaas. Hadii sida Muuse Biixi uu u dhigayo ay tahay, maxeey argaggixisadu u leeyn weeyday dadka kale ee deggan magaalooyinka kale, gaar ahaana Burco, Berbera, Hargeeysa, Ceerigaabo iyo Gabilay ?  

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ciidankiisa uusan kala baxeen magaaladda Laascaanood maadaama cadawga ay dhulkaasi ka illaalinayaan. Hadaba, Muuse waxa uu doonayaan in uu iibiyo in dadka lagu dilay Laascaanood ay dilleen argaggixisadda caalamiga ah sidaas darteedna uu doonayo in ciidanka Hargeeysa ay kulla dagaalamaan magaalada Laascaanood. 

Sheekadan cusub ee uu Muuse Biixi soo dhisay ayaa ah mid aan shaqeeyn doonin, waxaana beesha Dhulbahante ay dooneeysaa oo kaliya in beesha Isaaq ay dhulkooda uga baxaan si nabad ah, iyagoona  hoosta ka xariiqay in Soomaali aan la kala jari karin, diyaarna aysan u aheeyn waxa Hargeeysa laga doonayo. 

Arrinta hadda muuqata ayaa ah, in Hargeesya ay u soo diyaar garoowday dagaal marka shirka looga dhawaaqo maamul ay dadka SSC leeyihiin. Waxaana xaqiiq ah, in shirka ay ka soo bixi doonaan arrimo u gaar ah dadka SSC, mana la filayo in dadka deeggaanadaas ay dheg u dhigi doonnaan hanjabaad kasta oo kaga timaada beesha Isaaq.  

SNMta waxa horyaal in nabad ay dhulkooda ku aadaan iyo in ay doortaan dagaal sokeeye. Hadii dagaal sokeeye ay doortaan, waa mid mirahiisa ay isweeydiin doonaan marka dhiig badan uu daato, meel kastana la iska ugaarsado.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*