19th May 2024  admin  Category :

,Maleeshiyaad SNM U Shaqeeya Oo Gobolka Sool Ku Dilay Caawa Labo Nin oo Reer Buuhoodle ah.

Maleeshiyaad Ka amar qaata maamulka Isaaq ee SNM deegaan ahaana ka soo jeeda Degmada Kalabaydh, ayaa toogasho ku dilay Labo Muwaadin oo ka soo Jeeda Buuhoodle,

Toogashadan ayaa ka dhacday Inta udhaxaysa Karin iyo Kabalaydh oo ka tirsan gobolka Sool,

Raga Dhintay ayaa ka soo Jeeda Beesha Axmed garaad gaar Ahaan Aadan Axmed -Beelaha La isku Dhaho ee Hagar iyo Caways aadan,

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xili gobolka Cayn Laga sugaayay wefti isimo iyo Siyaasiyiin ah oo garaad jaamac garad cali hogaaminaayo inay ka soo dagan Buuhoodle,

Maamulka SNM, Ayaa Dilal qorshaysan oo sababa isku dhaca Beelaha Dhulbahante u adeegsada inta badan maleeshiyaad ay mushahaarka siiyan,

Dilkan caawa dhacay ayaa xiisad Ka dhex abuuray beelaha Aadan Axmed ee Axmed Garaad iyo Beesha Bahrarsame,

Khaatumo news

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*