26th April 2024  admin  Category :

ODAYADA GALBEEDKA u mitida, midh iga gaadhsiiya

Sawirka sare waa nimanka qaadi doona ma’suuliyadda dagaal ka dhaca gobolka Sanaag

Gabay muunad beel waayadeer, waana loo marage
Goortuu maqaamkuu lahaa, marinkii weydaartay
Oo uu maroorisiga ku dhacay, waa mishiiqsadaye
Maadooyin buu leeyihiyo, maagad loo xidho e
Nimaanse maanku ugu shubin, meerin kari waaye
Anse maanta malka uu leeyahaan, milicsanaayaaye

Madashii Galooliyo haddaan, mudanayaal joogo
Waa inaan makaankuu lahaa, midha ka saaraaye
Waa inuu ninkii aan madhneyn, madhax u yeeshaaye

Madoobaade saldanad meel u taal, reer mucaarada e
Malyan sanno kuwii kugu waday baa, maanta xaadira e
Magacyada suldaankee dhul kale, lagu maleegaayo
Maskax furan haddaad leedihiin, dib uga maansooda
Mabdi’iina aan kala maarmi karin, meel isugu keena
Mudanaha Suldaankeena weyn, midigyada  taaga

Haddaad midaba kala yeelataan, magacba gees aado
Meelaali baad noqoneysaan, cadawgu muufeeyo

Muranse ma laha Suldaankii in badan, muunada lahaaye
Magaciisu dunidoo dhan buu, maalin weyn yahaye
Murtiyahano idinkoo ah oo, wada masuuliina
Magaciisa raggi qoranayaa, haw miyiriyeene

Afartaa malkadii loo amriyo, marin ma raacsiiyey
Afar kalena hal aan soo mirtiyo, midha xaqiiqeede dhe

Marka hore salaan midig ka timi idin mihiibsiiyey
Marka xiga Suldaankeyga mudan, meelna kama aado
Marka xiga masruuf kuma bedelo, magaca ii yaala
Marka xigana mabda’iyan ka raac, meherad reeroode

Niman yohow midnimaa lagu helaa, madhax aan guureyne
Maxastiinu maxastay dhalaan, tala u meeleeya
Shiniduba majahaad aragteen bay,  malab ku beertaaye
Hadday muran santahay kuma gurteen, miida geed adage
Midh waliba hadduu  keel ka dhaco, kuma macaashteene
Marashiyo waxay noqon lahayd, magac la waayaaye
Macbuudkaan ku dhaartiyo Raxmaan, Maalig keligiise
Midnimadu midaan loogu jabin, cadawga sow maaha?

Afartaa malkadii loo amriyo, marin ma raacsiiyey
Afar kalena hal aan soo mirtiyo, midha xaqiiqeede dhe

Mudo dheer dadkii kala maqnaa, maanta soo kulanye
Mudaniyo Salaadiin dhamaan, madasha soo dhoobye
Maqaalufo Ilaahow na sii Maalik, baad tahaye
Mudo aan yareyn baa khilaaf, nagu maleegnaaye
Midnimada Ilaahowo na yeel, Maalik baad tahaye

Afartaa malkadii loo amriyo, marin ma raacsiiyey
Afar kalena hal aan soo mirtiyo, midha xaqiiqeede dhe

Inta ay majaha nirigta yari, mar isku taageyso
Haddii laba mas muran kaaga jiro, madhax kee fiican….
Mid waliba intuu ku jiro baa, loo mitiriyaaye

ODAYADA GALBEEDKA u mitida, midh iga gaadhsiiya
Malabsiga IIDOOR waxa ku jira, mudacya tiin-tiine
Adigoo qunbihii miranayuu, kugu mudaayaaye
Maarana ma laha ruuxuu ku jabo, waana loo marage
Malab iyo mariid laysku daray, midigta kuu saarye
Macaan gawrac dabo joogo baad, mooday rabitaane
Mindi dheerta xoolaha qashoo, marisa gaaleefta
Marka meesha laga faasaxuu, mid uu ku jiidaayo
Muqmuqeynta waxaad moodaysaa, maa inuu rabo e

Marka uu makaankuu lahaa iyo, meheradii geenyo
Marka hore masruuf iyo biyuu, meel u dhigayaaye
Marka xigana surkuu muran la’aan, mirir ka gooyaaye
Marka xigana isagoo maydhaqya ah, miiska laga boobye
Macbuud baan ku dhaartiyo Raxmaan, Maalig keligiise
Masaladaa cidii lala rabaa, idinka sow maaha?

Afartaa malkadii loo amriyo, marin ma qaadsiiyey
Afar kalena hal aan soo mirtiyo, midha xaqiiqeede dhe

Badda qoloda maaxdee intaa, marisa gaadiidka
Maleygaba macaan gabana bay, shey u mariyaane
Manfac kheyr isagoo moodayuu, madh ugu yaacaaye
Mindiishoo dalqada kaga dhegtiyo, mawdkii baw xiga e
Macbuud baan ku dhaartiyo Raxmaan, Maalig keligiise
Masaladaa dadkii lala rabaa, idinka sow maaha?

Afartaa malkadii loo amriyo, marin ma raacsiiyey
Afar kalena hal aan soo mirtiyo, midha xaqiiqeede dhe

War haddii laba mas muran kaaga jiro, madhax kee fiican
Mid waliba intuu ku jiraa, loo mitiriyaaye

Waxba yaanu masa’aladaan ka rabey, maalina i tarine
Malabkiyo waxay guranayaan, ha iga moosteene
Mar haddaanu magli uu igu jarjaro, meel ku qarineynin
MAJEERTEENKU kii nala dhashiyo, mudane sow maaha

Inta ay majaha nirigta yari, mar isku taageyso
Haddii laba mas muran kaaga jiro, madhax kee fiican
Mid waliba intuu ku jiraa, loo mitiriyaaye

Gudcur maara-rawliyo intaan madawga dhaafaayo
Mugdi bay ogaaday intaan, maalin soconaayo
Inta uu mahluugtiyo waqtigu, naga dul meeraayo
Inta uu mariikh saxal lihii, meeluun qabanaayo
Inta uu muqlaha nagu jiraa, mar iga guuraaye
Inta aan mashiimada dayacan, mar uun istaaraayo
Inta aan marsadii lay yiqiin, midho ka beeraayo

Inta ay majaha nirigta yari, mar isku taageyso
Haddii laba mas muran kaaga jiro, madhax kee fiican
Mid waliba intuu ku jiraa, loo mitiriyaaye
MAAJEERTEENKU kii kula dhashiyo, idinka sow maaha

One thought on “MAJEERTEENKU kii kula dhashiyo, idinka sow maaha

  1. Mustafa Mohamed Noor Jarafle

    Iska ilooba majeerteen kula dhashaye .oo tashada oo taariikhda ka faaiidaysta.
    Intii uu isaaq kugula dagaalamyey sanaag 1991 / 1992 weligaa ma ka heshay garab majeerteen ama daaroodkaa kale marka laga reebo reerkaas dhulbahante waa su uul ?

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*