26th July 2024  admin  Category :

In Puntland ay sii jirto waxay u taallaa Harti inay labada furimood ee Mudug iyo Sanaag difaac adag ka xirtaan

Ahlu Sunna waljamaaca laga adkaa. Mudug baa loo socdaa. kolka Xaaf la legddo waxa ku xigta in Woqooyiga Gaalkacayo muran la gesho oo la dhaho Gobolada dhexe laba gobol oo dhamaystiran ha noqdaan.

Image may contain: 1 person, standing

Dhanka kale waxa warar lagu kalsoon yahay Hargeysa ka sheegayaan in Muusa Biixi SL oo dhamaystiran loo dhiibo si Koonfur iyo Woqooyi dib loogu midoobo. Inta ka horraysa Maamul goboleedyada waa in la baaba’ sho. Jubbaland dagaal baa ku socda. Puntland waxa larabaa in Majeerteenia laga soo reebo si dastuurka u dhigani meesha uga baxo. Farmaajo , Abiy iyo Afawerki waxay heshiis ku yihiin in dawlad dhexe oo xoog leh ah iyo gobollo caadi ah Somalia lagu cesho.

Siyasiyiinta Dhulbahante intooda badan dawladda dhexena waa rabaan , haddii Somaliland la raacshona in badan baa maslaxad reer woqooyinimo u aragta. In PL sii jirto waxay u taallaa Harti inay labada furimood ee Mudug iyo Sanaag difaac adag ka xirtaan. Haddii kale baddaa lagu darayaa. Isaaq heshiiska Farmaajo bay ka hormarinayaan heshiisyadii PL hore ula galeen dawladda dhexe.

Beesha Garxejis 90 % midnnimo Woqooyi / Koonfur waw u diyaar. Habaerjecloeclo 50/50 bay maraysaa. Haba Awal oo goosadka ku faa’iiday baa intooda badan diiddan dibu midowga.Haddii Argagixisada fadhida Yube iyo taageerayaashooda la weeraro oo laga kacsho meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan , kadibna jiidda hore difaac adag laga xirto , sanado badan bay SNM iyo alshabaab ku qaadanaysaa inay dib u soo holliyaan gobolka Sanaag . Dhanka kale marka dagaal dhaco way ku adkaanaysaa Horgalladu inay is muujiyaan. Haddii arrintu goolaaftan dhaafi weydo, marka danbe Hadaaftino waw gacan geleysaa, waana bilowga burburka Puntland

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*