7th September 2024  admin  Category :

Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland kuna saabsan Magcaabis Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud  iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.44 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabid Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud  iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Wasiirka Amniga.

 

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Faarax Ashkir loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland

 

  1. Waxaa Cabdikariin Maxamed Faarax loo magcaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

 

  1. Waxaa Haashim Axmed Cabaas loo magcaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

 

  1. Waxaa Cabdinaasi Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*