8th May 2024  admin  Category :

Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, Wuxuuna khudbadiisii ku bogaadiyey shaqada wanaagsan oo u qabsoomtay oo lagu dhisay Garoonka, isagoo u mahadceliyey Guddiga dhismaha Garoonka  iyo Cidkasta oo ka qeyb qaadatay.

Madaxweyne Deni oo ka jawaabaya codsiga Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Stadium, ayaa ballan qaaday in Puntland bixinayso dhammaan daymaha lagu leeyahay Garoonka ee ku baxday dhismihiisa.

Madaxweynaha Bulshada la wadaagay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay nabada iyo horumarka Gobolka Mudug, isagoo sheegay in soo kabashada Gobolka Mudug ay tahay soo kabashada dalka Soomaaliya, taasi oo ay qeyb ka tahay is-dhexgalka Bulshada iyo nabada kajirta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo horumarka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay mas’uuliyiintii wadajir uga shaqeeyay Amniga ee soo afjaray kooxaha argagixisada ahaa ee Gobolka dhibaatada ku hayey.

Munaasabadda xarig jarka Cawaale Stadium waxaa ka qeybgalay, Xubno ka mid ah Goleyaasha  Puntland, Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mas’uuliyiintan Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Isimada, kooxaha kubadda cagta ee Gobolka Mudug, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee guud ahaan Bulshada Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*