19th May 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay arrimaha Laascaanood, Turkiga iyo sharciyada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadan ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee musiibadu ku habsatay.

Dhinaca kale, Madaxeynaha oo ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa madaxda Somaliland u diray farriin, isagoo mar kale u cadeeyey in xalka Laascaanood uusan xabad ku imaaneyn, isla markaana loo baahan yahay in awoddo kale ay Somaliland u marto xal u helidda xiisadda Laascaanood.

“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool. Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha oo khudbadiisii maanta uga hadlay arrimaha sharciga ayaa yiri, “Sharciyada cusub ee dowladdu sameyneyso waa kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, qaanuunka dal iyo dibadba waa na ilaalinayaa, qofka Soomaaliga ah naftiisa iyo xoolahiisa buu ilaalinayaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*