26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhamaaday shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhoweeyey natiijada baaritaanka guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD ay u saartay baaritaanka eedeyntii ay DFS u jeedisay Kenya, eedeyntaas ayaa loogu gafay Dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo jabhad lagu tilmaamay ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer kadib soo saaray warbixin aan dhinacna u janjeerin islamarkaana taabaneysa xaqiiqada taas oo bannaanka soo dhigtay damaca gurracan ee madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu soo dhoweeyey warbixinta ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta ah, Jubbaland waxay ka xun tahay sida Dowladda Federaalku ugu gaftay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ka hadlay dhibaatada ay ciidanka DF ka geysteen degmada Beledxaawo iyo dadka rayidka ah ee ay ku laayeen, halkaasi oo ay ku burburiyeen hantida dadka rayidka ah kadib markii ay magaalada ku garaaceen hoobiyeyaal.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu ku amray ciidanka Jubbaland in ay dib uga baxaan magaalada Beledxaawo si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya maatada, kadib markii ciidanka laga keenay magaalada Muqdisho ay bilaabeen in ay hub ku garaacaan goobaha rayidku ku nool yahay.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay in ay dalka ka dhacdo doorasho wada ogol ah isaga oo digay cawaaqib xumada ka dhalaneysa qabashada doorasho aan loo dhamayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*