
25th February 2025 admin Category :
MADAXWEYNE JAMHUURIYADDA OO KULAN IS-XOGWAREYSI AH LA QAATAY GUDDOONNADA BAARLAMAANNADA HER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis lah ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.