19th April 2024  admin  Category :

Daaroodnimadu soo maaha tii Sool ka shaqayn wayday Puntlandna laga diiday.

Sanadahan danbe Soomaalida dhexdeeda waxay wax wax ku qaybsanayeen wax loogu yeedho 4.5 maka ay timaado siyaasadda.

Afartan beelood ee inta badan qaybsada xilalka dawladda federaalka iyo maamulada ay gaarka u leeyihiin, ayaa beesha Daarood waxay tahay tan ugu caddaladda daran marka ay dhexooda wax qaybsanayaan, Waxayna ka soo bilaabantay intii lagu midoobey qaranka Soomaaliyeed.

Inkastoo beelaha Daarood ayna ka sinayn eedan oo qaarkood haba yaraatee ayna qabana madaxweyne maamul iyo madaxda Federaalka, inta badan beelaha Majeerteen iyo Mareexaan ayaa beeshan Daarood ku metlayey dhanka siyaasadda

Tusaale haddaan u soo qaadano labaddii Raisal wasaare hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdi weli Gaas , oo talo iyo is afgarad beeleed la lahaa madaxddii Punland ee markaa joogay, waxay xafiisyada Federaalka ka shaqaalaysiin jireen oo qura qof ka so jeeda beeshoda. Ma jirin qof sida beelaha kale ee Soomaaliyeed wax u qaybsadaan xil loogu magcaabay. Kama ayna xishoon inay meel ka soo wada muuqdaan iyaga oo dusha ku wata xilalakii beelaha Daarood ku lahaayeen Federaalka , Xaqiiqdii ma jirin cid kula xisaabtan waqtigaas sadbursiga xaaraanta ah ee maamulka Puntland iyo kan federaalka ee ay isu magcaabayeen.

Madaxweyne Farnmaajo, markuu xilka qabtay isaguna wax kama bedelin caddalad xumaddii horay u jirtay , isaga oo ka baqayey duufaan kaga timaada maamulka Puntland. Wuxuuna xal u arkay inuu ku kordhiyo dhowr Mareexaan ah iyo Dhowr Dhulbahante ah oo abtiyo u ah.

Madaxweyne Xasan Culusoow, oo horay u ahaa madaxa Hawiye Action Group, ahna nin qabyaaladd ku weyn tahay aaminsana inay beeshiisu ula so jihaaday inuu kursiga ku fariisto, ayaa intuu xilka qabtay 11 isugi jira agaasimayaal, taliyaal oo ahaa kuwii ay horay magcaabeen Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid xilkii ka wada qaaday, aan ka ahayn Abwaan Shube oo Farmaajo magcaabay

Marka xilka loo magcaabayey dhalinyaradan waxay ahaayeen Majeerteen garab ka helaya maamulka Puntland iyo madaxdii Federaalka, maanta markii xilka laga qaaday waxay noqdeen ama la shir yimaadeen Daarood ayaa dawladda laga raafaya.

Ugu danbayntii, maanta madaxa ugu sareeya beesha Daarood haddii uu fahan san yahay iyo haddii kaleba waa RW Xamse, in badan oo beeshan Daarood ka mid ahna waa ka sugaysaa inuu wax ka bedelo dhaqankan foosha xun ee soo bilaabmay lixdameeyaddii kaas oo ku salaysan musuqmaasaq, eexda, qaraabakiilka beel jeclaysiga uuna la yimaado siyaasad Soomaaliyana horumarisa beesha Daaroodma inta is rabta isu soo dhowaybaysa. Ogowna Daaroodnimada Sool ka shaqayn wayday ee hadda la wad wado kursigaaga ayaa lagu dooonayaa

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*