26th April 2024  admin  Category :

Image may contain: 3 people, text

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdulahI Farmaajo ayaa diiday lacag gaareysa $80m taasoo ahayd in uu oggolaado in xiriirka uu u jaro wadanka  Qadar sida ay daabacday New Khalij iyadoo ka soo xigatay saxafi caan ah.

Warbaahin badan ayaa qortay in uu jirey cadaadis xoog leh oo ay boqortoyada Sacudi Carabiya saartay dowlada Soomaaliya si ay ugaga laabato go’aankii hore ee ay dhexdhexaad ugaga noqotay arrimaha Khalijka.

“Muddo labo saacadood ah ayaa kulan albaabada u xirnaa lala yeeshay Madaxweyne Farmajo balse wuu diiday isku day walba,”ayuu yiri weriye  Jaber Al-Harimi.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in Sacudi Carabiya  ay ku hanjabtay in ay dhaqaalaha gargaarka ah ay ka goosanayso dowlada Soomaaliya, sidoo kalana ay Wasiiro dowlada Soomaaliya ka socda ay dib uga soo laabteen wadanka Sacudi Carabiya kadib markii dib loo dhigey inay la kulmaan dhiggooda.

Ilo ku dhow dhow Muqdisho iyo Abu Dhabi oo  diiday in la shaaciyo ayaa u sheegay New Khalij in madaxda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Amiirka leh dhaxalka Abu Dhabi, Mohammed Bin Zayed, inuu doonayay in uu kursiga ku sii  waaro Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo heshiis badan uu la galay Imaaraadka Carabta kuwaasoo ay ka mid yihiin maamulida dekedo ku yaal dalka Soomaaliya taasoo Imaaraadka u sahlaya in ganacsi ay dunida kula yeelato.

Hase ahaatee, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmajo ayaa qorsheynaya in dowladiisu ay diido qaar ka mid ah heshiisyadaa isagoo aaminsan inay yihiin kuwo sharci darro ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in illaa iyo hadda  ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka ka jira  Khaliijka balse diyaaraha laga leeyahay wadanka Qadar ayaa ku sameeyay hawada Soomaaliya illaa iyo 15 duulimaad maalintii ugu horeysay ee ay qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay xiriirka u jareen wadankaas sida laga soo xigtay wakaalada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*