29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Muqdisho, 21 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab.

“Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa.

“Maanta waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in maanta ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda.

“Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisaciid Muse Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*