25th October 2024  admin  Category :

Xaflad lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo oo lagu qabtay Minneapolis

Xafladii ugu weyneyd ee ka dhacda dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, iyadoo xafladasi ay ka soo qeyb galeen culima’udiinkii ugu badnaa iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida waxaana sidoo kale xafladani ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan madaxda Gobolka Minnesota.

Munaasabadani oo ka duwanayd munaasabadihii hore ee dalkani ka dhici jirtay ayaa waxaa loogu duceeyey dowladda Soomaaliya iyo abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa munaasabadani ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida kuwaasi oo bogaadiyey dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadani ayaa dhaqaale loogu aruurriyey abaaraha laga soo sheegayo qeybo ka mid ah dalkeena Soomaaliyeed, waxayna xafladani noqotay mid taariikhi ah oo Soomaalida si wada jir ah isugu yimaadeen iyagoo gacmaha is heysta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*