26th July 2024  admin  Category :

Puntland amni xumo kama jirtee Mooryaan loo dul qaato ayaa qasaysa

Degaanada Puntland waxa ku soo badanaya Mooryaan kalsooni buuxda ka hayta Bulshada qaarkeed oo aaminsan denbi kasta  ama sharci kasta oo ay galaan ama  jabiyaan, inay helayaan dad ku  difaacaya  Qabyaalad. Mooryaantan ayaa isugu Jira Madax hore , wasiiro hore, taliyaal ciidamo iyo ciyaal xaafadeed dadka baarta.

Markii maleeshiyaadka Alshabaab ay  ku soo duuleen Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Galgala, waxa jiray hub iyo gawaari dagaal oo Maamulka Puntland  ay ugu deeqeen wadamo ay Soomaaliya saaxiib yihiin . Hubkii iyo Gawaariddii loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada Alshabaab waxa la goostay taliye ka mid ahaa taliyyaashii uu madaxweyne Faroole magcaabay. Hubkii iyo gawaaridii uu la sgoostay taliyahaasi wuxuu la tegay Garowe. Halkii taliyahii hubkii  iyo Gawaaridii uu bililiqaystay laga soo celinlahaa, ayaa  Jawaabtii waxay noqotay “Ar boowe wiilku waa gadooday ee hubka ha loo daayo oo hala dalacsiiyo. Siddi ayaa dhacday hubkii maanta wuu  haystaa waana sarkaal ka mid ah ciidamada Puntland ee ku sugan Garowe.

 

Maanta arinta kale ee ka jirta magaalada Boosaaso ee gobolka bari, ayaa waxay tahay in dhowaan argagixiso loo soo qabtay dil ay u gaysteen madax ka mid ahayd Puntland, oo dhowaan  Boosaso lagu dilay , uuna ka mid ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Puntland , in Odayaal ay isku beel yihiin Wiilashan Alshabaabka ah inta Jeelka ugu tageen oo sawir la soo galeen ay leeyihiin sharcigu ma qabto Wiilashayada.

Ugu danbayntii si Puntland uu sii jirto oo caddalad loo helo, waa in Odayaasha u doodaya Argixiasada Alshabaab iyagan Max

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*