26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni Geesinimada Uu Mujiyay Farmaajo Ma Muujin,

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni,. ayaa maanta ka qeyb galay Kalfadhiga Barlamaanka puntland waxaana uu aqblay Madaxweynuhu in Ay si toos ah Barlamaanku u weydiiyan Su allo iyadoo saxaafada madaxa baan Joogto.

Waxaa geesinimo ah oo Dimuqraadiyad ah In Madaxweyne Siciid Deni, Sida Madaxda Mareykanka iyo Ingirsiika oo kale loogu dhiirado loona weydiiyo su aallo kulul isna uu aqbalo,

Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Marka uu Barlamaanka Hortagaayo waxaa Barlamaanka loo sheega in aysan wax su aal ah weydiin karin madaxweynaha.

Wargalinta ah in Aan wax su aallo ah la weydiin karin Madaxweynaha kaliya laguma koobne waxaa ay dawlada Soomaalia gaar ahaan gudoomiyaha Barlamaanku isagoo ka cabsanaya Barlamaanka uu qaada talaabooyin ay kamid yihiin in Mikirifoonada laga Dansado Xildhibaana sidoo kale waxaa meesha laga saara saxaafada Madaxa Banaan,

Hadaba ma la odhan Kara Madaxweyne Deni waxaa uu aqbalay in ay su aallo weydiiyan Xildhibaano kala aragti duwan oo nin u ciilqaba iyo nin la dhacsan iskugu jira isagoo awoodayay in aan wax su aal ah la weydiin karin,

Madaxweyne Siciid Deni, Sagaal Bilood ayuu Xilka haya Kalfadhigi kobaad ee Barlamanka Puntland intuu uu xilka hayayna waxaa u aqbalay in Si Xor ah oo Dimuqraadiyad ah loo weydiiyo su aallo halka Farmaajo sadex sano iyo dheeraad jooga aanu ku dhiiran maalin qudha.

Ugu Danbayn Taageerayaasha Khibrada yar ee nabad iyo Nolol ee Qaada Dhigaaya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa su aal kulul la weydiiyay oo si kul uga jawaabay ma isweydiiyen Deni wuxuu aqbalay saxaafada Madaxa Banaan in ay si xor ah u tabiyaan Su aalaha halka Farmaajo saxaafada iska saaro kadibna su aallo aan la weydin karin mikirifonadana laga damiyo xildhibanad.

Khaatumo news

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*