27th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Xasan Culusoow , ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, maadaama goor dhow si rasmi ah loo gudagalayo doorashada 2016.

“Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo gudagelin doorashada taariikhiga ee Soomaaliya ka dhacaysa. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa ina horyaalla inaan ka wadahadalno, sida amniga, maalgelinta doorashada iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawshan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ,  Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

kale.34

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*